Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ebrahim Raisi oo loo badinayo inuu ku guuleysto madaxweynaha Iran


Ebrahim Raisi
Ebrahim Raisi

Garsooraha mayalka adag ee Ebrahim Raisi ayaa hoggaaminaya doorshada madaxtinimada Iran, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha sabtidii, maalin kaddib doorashadii madaxweynaha ee ka dhacday waddankaas.

Raisi ayaa ilaa iyo hada ku guuleystey codad gaaraya 17.8 milyan.

Khudbad uu ka jeediyay telefishanka ayaa Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday ee Hassan Rouhani wuxuu u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay, isagoon magacaabin.

"Maadaama aan weli si rasmi ah loo shaacin natiijada, waxaan dib u dhigi doonaa hambalyada rasmiga ah, laakiin way iska caddahay cidda heshay codadka," ayuu yiri Rouhani.

Malaayiin reer Iran ah ayaa codeeyay Jimcihii tartan la filaayay in Raisi oo ah 60 jir garsoore sare ah uu madaxtinimada ku guuleysto.

Madaxweynaha la doortay ee Iran waxaa Mareykanku hore u saaray cunaqabateyn, kaddib markii lagu soo eedeeyay xadgudbay xuquuqda aadanaha, gaar ahaan dil maxaabiis siyaasadeed tobaneeyo sano kahor.

Musharaxiinta kale ayaa iyaguna u hambalyeeyay Raisi.

Sida ay qortay walaalada wararka ee Reuters, Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku dhawaaqaysa natiijada ugu dambeysa maalinta Sabtida, iyadoo tirinta codadka ay sii socoto, TV-ga dowladda ayaa sidaasi wariyay.

XS
SM
MD
LG