Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Italy: Xulkii ugu horreeyay ee u soo baxa wareegga 16-ka ee Euro 2020


Xulka Qaranka K/cagta Talyaaniga ayaa noqday xulkii ugu horreeyay ee gaara wareegga 16-ka ee koobka k/cagta ee Qaaradda Qaaradda Yurub, kaddib markii ay Arbacadii 3-0 uga adkaadeen xulka Switzerland.

Qaranka Talyaaniga ee Azzuri oo aan laga badin 29-kii kulan ee ugu dambeysay ayaa guuleystay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay iyaga oo aan wax gool ah laga dhalin, waxaana Talyaanigu uu haatan ku jiraa kaalinta kowaad ee qeybta A.

“Waxaan u ciyaarnay sifiican, waxaan dooneynay inaan guuleysanno wax kasta oo ay nagu qaadato, ma sahlaneyn inaad badiso kulankii labaad shan maalmood gudahood” ayuu tababaraha xulka Talyaaniga Roberto Mancini u sheegay TV-ga RAI.

Xulka Talyaaniga ee tababare Mancini ayaa doonaya inay markii labaad taariikhdooda sanadkan ku guuleystaan koobka qaramada qaaradda Yurub, iyadoo koobkan ay ugu dambeysay 1968.

Xigasho: AFP.

XS
SM
MD
LG