Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biden iyo Putin oo ku kulmay Geneva


Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin kula kulmay maanta oo Arbaca ah magaalada Geneva ee Xarunta Dalka Switzerland.

Waa markii ugu horeysay ee ay labadan mas’uul kulmaan tan iyo markii uu Biden xafiiska la wareegay.

Madaxweynaha Ruushka Putn ayaa horyimid goobta shirka, labada madaxweyne ayaa is gacan qaaday oo erayo kooban isweydaarsaday, iyagoo sawirro looga qaaday roogga cas ee banaanka halkii ay ku shirayeen.

Sidii la filayay midkoodna ma uusan hadlin, midkoodna kama jawaabin su’aalo ay ku tuur tuurayeen wariyeyaasha. Markii ay isgacan qaadeen ka dib waxay galeen qolkii ay ku shirayeen, kullan saacado qaadanayay.

Maxamed Colaad Xassan ayaa shirkan iyo waxa laga filan karo ka wareystay Mustaf Bashiir Xaaji Goobdoon, wariye deggan dalka Switzerland oo shirkan isha ku hayay.

Biden iyo Putin oo ku kulmay Geneva
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:33 0:00


XS
SM
MD
LG