Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hamdok oo ka digay dagaal sokeeye oo ka dhaca Sudan


Ra'isul Wasaaraha Sudan ayaa taladaadii ka digay halista fowdo iyo dagaal sokeeyee oo uu sheeegay inay abaabulayaan 'kuwa daacad u ah maamulkii hore' isagoo difaacayay dib u habeynta Sudan looga saarayo dhibaatada dhaqaale ee qotoda dheer iyo xasilinta siyaasadda xilliga kala guurka ah.

Abdalla Hamdok ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu kula hadlay dadka dalkiisa, taas oo uu ka jeediyay telefishinka maalmo kaddib markii rag dhallinyaro ah oo watay budad iyo ulo ay xireen waddooyinka caasimada Khartoum, kaddib markii ay dowladdu joojisay lacagihii ay ku kabi jirtay shidaalka.

Dowladda Hamdok ayaa ku howlgasha heshii awood qeybsi ah, kaas oo u dhexeeya militariga iyo rayidka, kaddib kacdoonkii dadweynaha ee ciidanku xukunka uga tuureen hoggaamiyihii waayo-aragga ahaa ee Omar Al-bashiir bishii April 2019.

Xilliga kala guurka ah ayaa ujeedadiisu tahay in lagu gaaro doorasho, isagoo ku eg dhammaandka sanadka 2023.

"Xaaladda nabadgelyada ee ka sii dareysa waxay inta badan ku xirantahay kala qeybsanaanta ka dhex jirta qeybaha kacdoonka, taas oo fursad ay ka faa'iideystaan siineysa cadowgeenna iyo haraadigii taliskii hore" ayuu yiri Hamdok.

Waxa uu sheegay inta dib u habayn lagu samaynayo amniga Sudan ay taagnaan doonaan halista amni ee gudaha iyo dibada uga imaanaya.

"Kala qeybsanaanti waxay inoo horseedii kartaa xaalad fowdo ah oo ay hormuud ka yihiin kooxaha burcadda ah iyo kuwa dambiileyaasha ah, taasoo horseedi karta fiditaanka isku dhaca dhammaan kooxaha rayidka ah, taas oo horseedi karta dagaal sokeeye" ayuu yiri Ra'isul Wasaare Hamdok.

In kasta oo Sudan ay ku guulaysatay ammaan caalami ah ee ku aaddan dib-u-habeynta dhaqaale tan iyo markii uu dhacay xukunka Bashiir, isla markaana ay horumar ka sameysay dhanka deyn cafinta, waloow in badan oo reer Suudaan ah ay soo food saartay cunno yari ay la daalaa dhacayeen nolol maalmeedkooda, iyadoo sicirka uu sare u kacay sanadkii la soo dhaafay.

Xigasho: Reuters.

XS
SM
MD
LG