Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kiiska 'isku daygii afgambi' ee Jordan oo lugaha la galay Sacuudi Carabiya


Mohammed Bin Salman
Mohammed Bin Salman

Amiir Hamzah-ha Jordan ayaa doonayey inuu afgamabiyo walalakiis boqor Cabdallaha Labaad, isaga oo taageero ka helaya Sacuud Carabiya, sida lagu sheegay eedeymo maxkamadeed oo lasii daayey Axaddii oo ka dhan ah laba qof oo kiiskan lagu eedeeyey.

Labada qof ee la eedeeyey ayaa xiriir dhow la leh Sacuudi Carabiya: Mid ka mid ah waa madaxii hore ee maxkamadda boqortooyada Bassem Awadallah oo haysta dhalashada Sacuudiga, kan kalena waa ergeygii hore ee gaarka ahaa ee boqortooyada, Sharif Hassan bin Zaid.

Labada nin ayaa daba-yaaqada bishan lagu maxkamadeyn doonaa Maxkamadda Amniga Qaranka ee Jordan, waxayna wajahayaan illaa 20 sano oo xabsi ah, haddii danbiga lagu helo, sida uu sheegay mid ka mid ah qareenadooda.

Hase yeeshee Hamza, oo ay isku aabe yihiin boqorka, kaasi oo lagu eedeeyey 3-dii April inuu ku lug lahaa isku day “lagu arbushayo amniga boqortrooyada,” ayaan maxkamad lasoo taagi doonin.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in kiiskiisa lagu dhex xaliyey gudaha qoyska boqortooyada Haashimiyadda.

Sacuudi Carabiya si xooggan ayey u beenisay inay wax lug ah u laheyd shirqoolka la tuhunsan yahay.

Inkasta oo Amiir Hamzah uusan soo hor-istaagi doonin maxkamadda, haddana ku lug lahaanshihiisa shirqoolka ayaa xuddun u noqon doona maxkamadeynta,.

“Amiir Hamzah waxa uu go’aansaday inuu qanciyo damaciisa shaqiyeed ee xukun qabasho, isaga oo ku xadgudbaya dastuurke iyo dhaqanka Haashimiyadda,” ayaa lagu yiri eedeynta.

Awadallah ayaa warbaahinta Jordan ay u arkaan inuu xiriir dhow la leeyahay dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed bin Salman.

Dacwadda lasoo oogay ayaa lagu sheegay in Awadallah uu “ku dhow yahay saraakiisha boqortooyada Sacuudiga” uuna dibedda ku leeyahay shabakado xiriir ah.

Hamzah ayaa lagu warramaya inuu ka walacasanaa mowqikfa Riyadh.

“Haddii ay wax igu dhacaan aniga oo jooga Jordan, saraakiisha Sacuudiga ma i caawin doonaan mise?”, ayaa lagu warramay in Hamzah uu weydiiyey Awadallah, sida lagu sheegay eedeynta.

AFP

XS
SM
MD
LG