Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muxuu madaxweyne Biden ka yiri natiijada shirkii G7?


g7
g7

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in shirkii Hogaamiyayeyaasha dalalka hodanka ah ee ku bahoobay G7 uu ahaa kulan aan caadi ahey oo wadashaqeyn iyo waxtar lahaa.

Biden ayaa sheegay in kulanka horumar looga sameeyay dagaalka lagula jiro aaafada Coronavirus, dib usoo nooleynta dhaqaalaha iyo Shiinaha loogu yeeray magaca dhaqankooda ee aan wanaagsaneyn.

Isagoo wariyeyaasha la hadlay Axaddii gabagabada shirkii madaxeedka oo ka dhacay dalka Britain, ayuu sidoo kale Biden ammaanay heshiiska looga hortagayo musuq-maasuqa, la dagaallanka madax-furashada iyo soo afjaridda dhaqaalo ka sameynta mashruuca dhuxusha, iyadoo wax heshiis ah oo muddeysan aan loo heysan

Hogaamiyeyaasha toddobada dal todobada ee taajirka ah ayaa waxay saxiixeen Axaddii bayaanka Carbis Bay, kaas oo lagu soo afjarayo Aaafada Coronavirus, u diyaar garowga mustaqbalka, iyo sidoo kale dib u xoojinta dhaqaalaha iyadoo $12 Trillion oo taageero ah loo qorsheeyay Aaafada.

Gabagabadii kulanka, Bayaanka oo loogu magac daray magaalada Cornwall ee ayaa loogu aqoonsaday baahida loo qabo in si heer calami ah loola tacaalo Aafada Coronavirus iyadoo ujeedka uu yahay in lasoo yareeyo waqtiga loo baahn yahay si looga jawaab celiyo aafada iyo in la hormariyo soo saarista tallaalka.

XS
SM
MD
LG