MELBOUNE —
Gobolka Victoria ee dalka Australia ayaa dadku la qabsadeen in guriyaha laga soo shaqeeyo, si loo xakameeyo faafitaanka xanuunka COVID-19, kaddib markii xayiraad lagu soo rogay gobolkaasi oo kiisas badan oo cudurkan ah laga helay.
Dadka xaafadaha ka soo shaqeynaya waxa ku jira Soomaalida deggan gobolkaasi, kuwaas oo xirfaddooda shaqo ay aad u sareyso.
Ibraahim Cumar Baafo ayaa warbixintan ku eegaya sida ay arrintaasi dadku ula tacaalayaan.