Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorasho Baarlamaani ah oo ka Qabsoontay Algeria


Ka dib laba sano oo qalalaase siyaasadeed ah, shacabka Algeria ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta si ay uso doortaan baarlamaan cusub. Doorashadan ayaa ah mid waqtigeeda laga soo hormariyay.

Codbixinta ayaa ah doorashadii baarlamaan ee ugu horreysay ee dalkaasi dhaca waqooyiga Africa ka dhacda tan iyo markii talada xoog looga tuuray madaxweynihii hore Abdelaziz Bouteflika sanadkii 2019 ka dib 20 sano uu kursiga ku fadhiyay.

Xisbiyada taageersan dowladda ayaa ku baaqay in doorashada si buuxda looga qeybgalo si dib loogu soo celiyo xasilloonida, laakin axsaabta mucaaradka ayaa horay ugu baaqay in la qaadaco.

In ka badan 20,000 oo musharrax ayaa ku tartameysa kuraasta baarlamaanka oo ka kooban 407 kursi.

XS
SM
MD
LG