Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka madaxda waddamada G7


Ra'isul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa isagoo ka hadlayay kulanka waddamada G7 ee ka socda Britain ku boorriyey hoggaamiyeyaasha caalamka in ay abuuraan kobcin iyo horumar dhaqaale kaddib xanuunka Covid19.

Boris Johnson ayaa sheegay in ay habboon tahay in wax laga barto dhibaatooyinka dhaqaalaha caalamka ee sannadkii 2008-dii lana saxo sinnaan la’aantii iyo nabaradii uu ka tagay.

Dhammaadkii maalintii koowaad ee kulanka waddamada G7 ee ka socda magaalo xeebeedka Carbis Bey ayay madaxdii ku sugneyd casho la qaateen boqoradda Ingiriiska.

Warbixin ku saabsan wararkii ugu dambeeyey ee kulanka G7 waxa magaalada London inooga soo diray wariyaha VOA-da Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail.

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka madaxda waddamada G7
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:08 0:00


XS
SM
MD
LG