MELBOURNE —
Roob dabeylo watay oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka da'ay gobolka Victoria ee dalka Australia ayaa khasaare naf iyo maalba leh u geystay dadka gobolkaas, waxaana daadad xoogan oo ka dhashay ay sidoo kale waxyeello u geysteen adeeggii korontada iyo biyaha.
Warbixin waxaa magaalada Melbourne ee dalka Australia nooga soo direy wariyaheena Ibrahim Cumar Baafo.