Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo tallaal gaaraya 500 oo milyan ugu deeqaya dunida saboolka ah


Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa qorsheyna in qiyaastii 500 oo milyan oo tallaalka Pfizer (PFE.N) ugu deeqo 100 waddan labada sano ee soo socota, sida wakaaladda wararka ee Reuters ay u sheegeen saddex ilo wareed oo xog-ogaal u ah arrlnkan.

Biden ayaa la filayaa in uu kaga dhawaaqo qorshahan kaalmada ah shirka dalalka qaniga ah ee G7 oo goor dhow oo maanta ah ka furmaya dalka Ingiriiska.

Deeqdan ayaa Mareykanku marsiin doonaa mashruuca gargaarka deeqaha tallaalka ee COVAX oo ay hirgaliyeen hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo hay'adda caalamiga ah ee tallaalka ee GAVI, waxaana loo qeybin doonaa dalalka saboolka ah iyo kuwa dhaqaalahoodu yahay meel-dhexaadka.

Qorshahan ayaa afartii todobaad ee la so dhaafay waxaa ka wadahadlayay isu-duwaha COVID-19 Jeff Zients iyo kooxda howlgalka xakameynta cudurkan ee Aqalka Cad, sida mid ka mid ah ilahaas u sheegay Reuters.

Aqalka Cad iyo shirkadda Pfizer midkoodna waa diiday inuu ka hadlo arrinkan.

Madaxweyne Biden ayaa saxafiyiinta u sheegay kahor intii uusan u ambabixin Ingiriiska inuu heysto istiraatiijiyad tallaal oo caalami ah, isla markaana uu ku dhawaaqi doono, aakiin ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale dalalka G7 ku boorrin doonaa in si la mid ah Mareykanka ay u dardar galiyaan deeqaha tallaalka ee caalamka, si loo xakameeyo xanuunkan.

Xigasho: Reuters

XS
SM
MD
LG