Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'isul Wasaaraha Canada oo ka qeybgalay baroordiiqda qoyskii Muslimiinta ahaa


Ra'isul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ka qeybgalay kulan baroordiiq ahaa oo loo sameeyay qoys Muslimiin ah oo asal ahaan kasoo jeeday dalka Pakistan oo Axaddii lagu dilay magaalada London ee gobolka Ontario.

Nin dhallinyaro ah ayaa si ula kac ah gaari u jiirsiiyay qoyskan xilli ay lugeynayeen, waxaana Ra'isul wasaaraha Canada uu falka ku tilmaamay mid argagixiso.

Muslimiin badan oo Soomaalidu ay qeyb ka yihiin oo qaarkood ka tagay magaalooyin kala duwan ayaa ka qeybgalay baroordiiqdan.

Haddaba, wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrinkan ka wareystay Saciid Muuse Daahir oo u ololeeya xuquuqda aadanaha, xubinna ka ah ururka Muslimiinta Canada ugu horreyna waxa uu waydiiyay sida uu falka u dhacay iyo cidda ka qeyb gashay baroordiiqda?

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:34 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG