Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo daraasiin caruur ah ka afduubatay Mozambique


Jihaadiyiinta qalalaasaha ka wada qaybo ka mid ah woqooyiga Mozambique ee loo yaqaan Al-Shabaab saddexdii iyo barkii sano ee la soo dhaafay ayaa daraasiin carruur ah ku afduubtay weeraro ay qaadeen sanadkii tagay ee 2020, sidaasina waxaa warbixin la daabacay Arbacada maanta ah ku sheegtay hay’adda samafalka Britain ee Save the Children.

Hay'adda ayaa sheegtay in "afduubka carruurta uu noqday xeelad cusub oo cabsi leh joogtana ah oo qaadaan kooxaha hubeysan ee ku lugta leh colaadda,” waxaana ay xustay in tirada la wariyay ay u badan tahay in ay ka sarreyso qiyaasta ay sameysay, sida lagu saleeyay xog ay soo aruurisay xarunta aruurisa macluumaadka colaadaha ee ACLED ee fadhigeedu yahay Mareykanka.

Waxa ay tiri “ugu yaraan 51 caruur ah, oo badankood gabdho yihiin” ayaa lagu qafaashay gobolka Cabo Delgado, halkaas oo weerarada Islaamiyiinta ay ku barakaceen ilaa 700,000 oo qof tan iyo 2017 oo ay rabshaduhu bilowdeen.

Mintidiinta oo gudaha dalkaasi looga yaqaan Al-Shabab ayaa argagax ku haya waqooyiga Mozambique, waxayna gubaan guryaha, qoor gooyaan dadka, iyadoo qaarna ku qasba in ay askareeyaan.

Bishii March, kooxdan mintidka ah ee xiriirka la leh Daacish ayaa weeraro xiriir ah ku qaadday magaalada Palma, iyagoo dilay daraasiin dad ah, 67 kun oo qofna ku qasbay in ay guryahooda isaga cararaan.

Ku dhowaad kalabar dadka barakacay ayaa ahaa gabdho, iyadoo tirada caruurta la afduubtay in intan aad uga badan karto.

XS
SM
MD
LG