Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamad ayidday xukunkii lagu riday Ratko Mladic ee xasuuqii Bosnia


Ratko Mladic
Ratko Mladic

Maxkamadda danbiyada dagaalka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ayidday xukunka danbiyada dagaal ee horay loogu helay taliyihi hore ee millatarigii Boosniyiinta Seerbiya Ratko Mladic oo lagu helay inuu ka danbeeyay xasuuqii Muslimiinta Bosnia loo geystay sannadki 1995.

Xasuuqaas oo ka dhacay degmada Srebrenica inti u dhaxeysay 1992-ki ilaa 1995-ki, ayaa noqday xasuuqii ugu dhiig-daadashada badnaa tan ee Qaaradda Yurub, tan iyo Dagaalki Labaad ee Dunida.

Maxkamadda Danbiyada Dagaalka ee Caalamiga ah ee ku teella magaalada Hague ayaa diidday racfaan uu Mladic ka qaatay, xakun xabsi daa’in ah oo ay ku dhacay sannadki 2017-ki, kaasoo uu ku muteystay danbiyada lagu helay oo ay ka mid ahaayeen, xasuuq, gabood-fallo ka dhan ah bani’aadannimada iyo argagixin dadweyne oo uu u geystay shacabki ku noolaa magaalada Sarajevo ee caasimadda Bosnia oo ay ciidamadi Mladic go’doomiyeen muddo 43 bilood ah.

Bayaan kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in xakunki hore ugu dhacay Ratko Mladic ee ahaa xabsi daa’inka uu wali taaganyahay.
Ciidamadi Seerbiyiinta Bosnia ayaa laayay in ka badan 8,000 oo muslimiin ahaa una badnaa rag iyo wiilal yar yar.

XS
SM
MD
LG