Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Canada: Dilka qoys Muslimiin ah oo la ogaaday in uu ahaa Islaam Naceyb


Masuuliyiinta magaalada Lonodon ee gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa sheegay in dilkii loo geystay qoyskii Muslimiinta ahaa ee Axadii gaariga la marsiiyay uu ahaa mid qorsheysan oo salka ku haya Islaam naceyb.

Qoyskan oo ka koobnaa shan qof ayaa afar ka mid ah ay geeriyoodeen, halka wiil sagaal jir ah uu soo gaaray dhaawac, kaas oo hadda la daaweynayo, waxaana weerarkan geystay Nathaniel Veltman oo ah 20-jir ah,kaas oo hadda u xiran dilka uu geystay.

"Dhacdadan waxay aheyd aheyd dil wadareed loo geystay Muslimiintan, waxayna salka ku heysay naceyb weyn" ayuu yiri duqa magaalada London Ed Holder.

Paul Waight oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Booliska magaalada London oo ah halka dilkan ka dhacay ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in qooyskan loo bartimaameedsaday diinta Islaamka awadeed.

Wakaalada wararka Reuters oo soo xiganeysay wargeyska London Free Press ayaa sheegtay in dadka geeriyooday ay kala ahaayeen Syed Afzaal oo 46-jir ahaa, xaaskiisa Madiha Salma 44 jir, gabadhiisa Yumnah Afzaal oo 15-jir aheyd iyo hooyadiis oo 74-jir aheyd. Wiilkiisa Faez Afzaal oo sagaal jir ah ayaa isna dhaawac ah.

XS
SM
MD
LG