Isku xirrada

War Deg-Deg ah

38 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay Pakistan


Tirada dadka ku dhaawacmay shil tareen oo Isniinta maanta ah ka dhacay koonfurta Pakistan ayaa kor u dhaaftay 100 qof, sida uu sheegay Mohammad Usman Abdullah, oo ah gudoomiye ku xigeenka degmada Ghotki ee gobolka Sindh. Ugu yaraan 38 qof ayaa ku dhimatay shilkaasi.

Saraakiisha ayaa ku warramay in in kabadan 1,000 qof ay saarnaayeen labada tareen ee is-herdiyay.

Shaqaalaha gurmadka ayaa wali ku mashquulsan badbaadinta rakaabka ku go'doonsan burburka, iyagoo ka baqaya in tirada dhimashadu ay sii kororto, sida uu Abdullah u sheegay wariyeyaasha gudaha.

Wasiirka warfaafinta Pakistan Fawad Chaudhry ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay tahay xilli hore in la sheego in shilku uu ku dhacay cillad farsamo, dayacaad, ama sabab kale, laakin waxa uu ballan qaaday in la sameyn doono baaritaan buuxa.

Ra’iisul wasaare Imran Khan ayaa sheegay in uu "ka naxay shilka" tareenka, wuxuuna amray “baaritaan dhameystiran oo lagu sameeyo khadadka tareenada” sida uu ku yiri qoraal uu ku daabacay Twitter.

Ciidamada Pakistan iyo ciidamada kale ee gaarka ah ayaa goobta ku sugan iyagoo gacan ka gaysanaya samatabixinta iyo gargaarka dadka shacabka ah.

XS
SM
MD
LG