Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boris Johnson oo codsi la xiriira dalalka saboolka u gudbinaya madaxda G7


Ra'isul Wasaarahaa Ingiriiska Borris Johnson ayaa sheegay in uu ku boorrin doono madaxda kasoo qayb galeysa kulanka waddamada G7 ee la filayo in uu Jimcaha soo socda ka dhaco magaalada Cornwall in caalamka oo dhan la gaarsiiyo tallaalka xanuunka COVID-19 dabayaaqada sannadka 2022.

Dalalka Mareykanka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Japan ayaa sheegay tirada tallaalka ay ugu deeqi doonaan Mashruuca Wadaaga Tallaalka Caalamka ee COVAX ee ay maamusho Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, laakiin Britain iyo Canada ma cayimin tirada ay bixin doonaan.

Warbixin arrinkaas ku saabsan waxa magaalada London inooga soo diray Wariyaha VOA-da ee Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:02 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG