Isku xirrada

War Deg-Deg ah

100 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay waddanka Burkina Faso


Koox hubeysan ayaa dilay ku dhowaad 100 qof oo rayid ah weerar xalay lagu qaaday tuulo ku taal waqooyiga waddanka Burkina Faso, sida ay sheegtay dowladda dalkaas.

Kooxahan ayaa habeenkii Jimcaha soo weeraray tuulada Solhan ee gobolka Yagha oo xuduuda la leh waddanka Niger, waxayna dileen dadkii deegankan ku noolaa, iyagoo sidoo kale gubay suuqa tuuladaas.

Weerarkan oo aan cidina sheegay ayaa dowladda Burkina Faso ku tilmaantay inay soo qaadeen kooxo argagixiso ah.

Weerarada kooxaha jihaadiyiinta ah ee lala xariirinayo al-Qaida iyo kuwa Galbeedka Africa ee gobolka Saaxil ayaa si aad ah kor ugu kacay tan iyo bilowgii sanadkan, gaar ahaan dalalka Burkina Faso, Mali iyo Niger, iyadoo dadka ugu badan ee dhibaatadu ka soo gartay weeraradan ay yihiin kuwa rayidka ah.

Dowladda Burkina Faso ayaa ku dhawaaqday muddo 72 saacadood oo baroordiiq qaran ah, waxayna sheegtay in tirada horudhaca ah ee dadkii ku dhintay weerarkaas ay gaareyso 100 qof.

Rabshadaha ka socda waddanka saboolka ah ee abaaruhu ka jiraan ee Burkina Faso ayaa barakiciyeen in ka badan hal milyan oo qof laba sano gudahood, hase yeeshee Burkina Faso ayaa sidoo kale martigalisay ilaa 20 kun oo qaxooti ah oo ka yimid dalka deriska la ah ee Mali, kuwaas oo doonaya inay ka nabad galaan weerarada kooxahaas.

XS
SM
MD
LG