Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nigeria: Dabley hubeysan oo afduubtay 136 carruur ah


Dowlada Nigeria ayaa xaqiijisay in Isniintii rag huebysan ay afduubteen 136 caruurr ah, kuwaas oo dhiganayay iskuul lagu barto diinta Islaamka, kaas oo ku yaal magaalada Tegina ee gobolka Niger ee bartamaha dalka Nigeria.

Maamulka gobolkaas ayaa sheegay in duullaanka lagu qaaday aysan markii hore cadeyn karin tirada rasmiga ah ee carruurta la qafaashay.

Sida ay sheegtay dowladda Nigeria, burcada hubeysan ayaa argagax ku haya dadka deggan waqooyi-galbeed iyo bartamaha Nigeria, kuwaas oo bililiqo iyo dhac u geysta xoolaha iyo tuulooyinka, isla markaana dadka qafaasha.

Wakaaladda wararka AFP ayaa qortay in inkabadan 700 oo carruur iyo arday ah ay hore u afduubteen dableydan tan iyo bishiii December ee sanadkii hore si ay madax-furasho u helaan.

"Dowladda gobolka Niger waxay xaqiijineysaa tirada ardayda ay burcaddu ka afdubteen iskuulka Salihu Tanko Islamic Shchool, Tegina inay noqotay 136" ayay dowladda gobolkaas ku soo qortay barteeda Twtiiter goor dambe oo Arbacadii ah.

kooxaha weerarka soo qaaday ayaa sii daayay 11 ka mid ah carruurtan oo socon waayay, maadama ay ahaayee kuwa yar yar.

Guuddoomiye ku xigeenka gobolkaas Alh Ahmed Mohammed Ketso ayaa sheegay inay ku raad joogaan burcaddan, Isla markaana aysan jirin wax madax furasho ah oo ay siin doonaan.

XS
SM
MD
LG