Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar Internet-ka ah oo lagu joojiyey howlihii shirkadda JBS


Cyberattack, hacking
Cyberattack, hacking

Shirkada JBS ee ugu weyn dunida ee iibisa hilibka ayaa lagu qasbey in ay joojiso howleheedii Australia iyo Waqooyiga America Isniintii shaley.

Shirkadan ayaa waxaa loo gaystey weerar dhinaca Internet-ka dhammaadkii todobaadkii tegey, sida ay sheeegeen mas’uuliyiinta shirkadda ee ku sugan xafiiska weyn ee dalka Brazil.

Shirkadda ayaa sheegtey in ay ka shaqeyneyso xalinta dhibaatadan.

Shirkadan hilibka ee JBS oo ay Mareykanku dhaqaale ahaan kabaan ayaa soo saartey qoraal ay ku sheegtay inay tallaabo deg deg ah qaadi doonto, ay fadhiisin doonto dhamaanba qeybihii uu weerarkan saameeyey, wargelin doonaan mas’uuliyiinta, ayna xalinayaan qalabkoodii la dhibaateeyey.

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtey inay awood gelin doonaan nidaamkoodii teknoolajiyadda iyagoo adeegsan doona khubarada shirkado kale.

Qaar ka mida wax iibsigii macaamiisha iyo shirkadaha hilibka bixinayey ayaa laga yaabaa inuu dib u dhac ku yimaado weerarkan dhanka internet-ka ah awgiis sida lagu sheegey qoraalka shirkadda.

Ma jirto cadeymo muujinaya in xogihii dadka macaamiisha ahaa loo dhacay iyo shirkadihii ka shaqeynayey qeybinta dalabaadka hilibka.

XS
SM
MD
LG