Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xuska xasuuqii Tulsa 100 sano kaddib


Boqolaal qof ayaa Isniintii shalay aheyd isugu soo baxay magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma ay u xusaan boqol sano guuradii kasoo wareegtay dil wadareed loo geystay boqolaal ruux oo kamid ah dadka madow ee Meraykan 31 May sanadkii 1921-kii.

Dadkaan oo ka kala socday bulshooyinka heysta diimaha kala duwan ayaa munaasabad duco ah ugu sameeyay kaniisad ku taall magaalada Tulsa.

Boqol sano kahor shalay oo kale ayaa bulshada caddaanka ay dileen in ka badan 300 ruux oo dadka madow ah, iyagoo gubay islamarkaana burburiyay xarumo ganacsi iyo guryo badan oo ku yaallay xaafaddii ay dadkaasi dagganaayeen oo ahaa kuwa barwaaqo ah, laguna naaneysi jiray xaafadda Wall Street ee dadka madow.

Wall Street ayaa hadda ah suuqa ugu weyn ee dhaqaalaha Mareykanka, kuna yaal magaalada New York.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta oo Talaado ah ku wajahan magaalada Tulsa, si uu u xuso xasuuqii argagaxa badnaa.

XS
SM
MD
LG