Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israel oo booqanaya Qaahira


Wasiirka arrimaha dibedda ee Israel Gabi Ashkenazi ayaa Axadda maanta ah gaaray magaalada Qaahira si uu dhiggiisa Masar Sameh Shoukry ugala hadlo abuurista “xabad joojin rasmi ah” oo u dhaxeysa Israel iyo Hamas oo maamusha Gaza.

Ashkenazi oo bartiisa Twitterka ku qoray farriin afafka Carabiga, Ingiriis iyo Hebrew ayaa sheegay in safarkiisa Qaahira uu yahay “booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah ee wasiir arrimo dibadeed Israeli ah oo ku tago muddo 13 sano ah”.

“Waxa aan ka wada xaajoon doonnaa sidii xabad joojin rasmi ah loola sameyn lahaa Hamas, iyo hab lagu gaarsiiyo gargaarka bina’aadamnimada iyo dib u dhiska magaalada Gaza, iyadoo ay taasi dowr muhiim ah ay ka gaysaneyso beesha caalamka,” ayuu yiri.

Masar ayaa horraantii bishan kaalin muhiim ah ka qaadatay xabad joojinta u dheeysa Israel iyo Hamas, taasi oo soo afjartay dagaal socday 11 maalmood.

Saraakiil sarsare oo ka tirsan hay’adaha ammaanka Masar ayaa Axadda maanta ah u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee AFP in hogaamiyaha Hamas Ismail Haniyeh uu isna wadahadal u iman doono magaalada Qaahira laakiin ma aysan bixin tafaasiil dheeri ah.

AFP

XS
SM
MD
LG