Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Zamalek iyo US Monastir oo isugu soo haray cayaarta final-ka ee horyaalka BAL


BAL final

Kooxda US Monastir ee dalka Tunisia ayaaa 87-46 kaga adkaatay kooxda Patriots BBC ee dalka Rwanda, ayada oo kooxda Zamalek ee dalka Masar kula biirtay cayaarta final-ka ee Horyaalka Kubadda Koleyga Afrika ee Basketball Africa League (BAL).

Waxay aheyd guushii labaad ee ugu weyned ee kooxdan reer Tunisia ay ka gaarto horyaalka BAL, kadib guushii ay wareeggii furitaanka ay 113-66 kaga adkaatay kooxda ka socota Madagascar ee GNBC.

Xiddiga reer Tunisia ee Omar Abada ayaa kooxda dalkiisa u dhaliyey dhibcihii ugu badnaa ee cayaarta oo ahaa 18, isaga oo ku daray 5 caawimaad. Afar xiddiga oo kale ayaa dhibco ka badan min toban u dhaliyey US Monastir, kuwaas oo kala ahaa Marcus Crawford, Wael Arakji, Majok James iyo Firas Lahyani, oo dhibcahooda isku geyska ay ahaayeen 46.

Kooxda Zamalek oo US Monastir ay isku arki doonaan final-ka ayaa iyana kasoo adkaatay kooxda Petro de Luanda ee dalka Angola oo ay ku garaacday 89-71.

Cayaaryahan Walter Hodge ayaa kooxda reer Masar ku caawiyey dhibcihii ugu badnaa ee cayaarta isaga oo dhaliyey 19 dhibcood.

Guusha Zamalek ayaa waxaa sidoo kale kaalin weyn ku lahaa Souleyman Diabate, Michael Fakuade iyo Chinemelu Elonu oo marka la isku geyeo dhaliyey 38 dhibcood.

Cayaarta kama dmabeysta ah ee US Monastir iyo Zamalek ayaa dhici doonta galabta.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG