Pakistan ayaa u sheegtay hoggaanka Afghanistan in aysan sii wadi doonin wada shaqeynta rasmiga ah ee ay la lahayd madaxa amniga qaranka ee Kabul, waxayna ku sababeysay “aflagaado xun” oo ka dhan ah Islamabad oo dhowaan ka soo yeertay, sida ay VOA u sheegeen saraakiil iyo ilo dublomaasiyadeed.
Murankan ayaa mar kale muujinaya xiisadaha siyaasadeed iyo kalsooni la’aan taariikhiga ah ee ragaadisay xiriirka labadan dal ee deriska ah ee wadaaga xuduud dhererkeedu yahay 2,600-km.
Xiisadda cusub ayaa dhalatay ka dib markii la taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, Hamdullah Mohib, oo si joogto ah ugu eedeeya Pakistan iyo wakaaladdeeda sirdoonka in ay taageerto ayna hagto kooxda Taliban ee Afghanistan, eedeymahan oo ay Islamabad iska fogeysay.
Khudbad uu horraantii bishan ka jeediyay bariga gobolka Nangarhar, oo ku yaalla xadka Pakistani, Mohib kuma ekaan oo keliya eedeymihiisa, laakin waxa uu Pakistan ku tilmaamay “hoyga kuwa jirkooda ka ganacsada.”
Hadalkiisa ayaa ka careysiiyay hogaamiyeyaasha Islamabad, oo canbaareeyay kuna sheegay hadalkaasi mid “dhaawacay dhammaan xeerarkii xiriirka labada dal.”
Sarkaal sare oo Pakistani ah oo arintan la socda, codsadayna in aan magaciisa la adeegsan ayaa u sheegay VOA in dowladiisa ay Afghanistan u gudbisay “cara xooggan” oo ku aadan hadalkii Mohib oo ay ku tilmaantay mid “ceeb ah.”
Sarkaalka ayaa sheegay in Islamabad ay u sheegtay Kabul in wixii hadda ka dambeeya aysan wax wadashaqeyn la yeelan doonin la taliyaha amniga qaranka Afghanistan. Waxa ay Pakistan sidoo kale sheegtay in “dhanka Afghanistan aysan dhab ka aheyn la macaamilka Pakistan, laakin kaliya ay eedeyso, islamarkaana hoos u dhigto dadaalka daacadda ah ee Pakistan,” ayuu sarkaalku hadalkiisa raaciyay.
Facebook Forum