Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Foolkaano Markale ka Qaraxday Bariga Congo


Foolkaano kale ayaa Sabtida maanta ah ka qarxay bariga dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, toddobaad ka dib markii foolkaano ku dhufatay buurta Nyiragongo ay sababtay in ay barakacaan kumannaan qof.

Afhayeenka dowladda Patrick Muyaya ayaa sheegay in foolkaanada maanta uu ka bilowday dhul aanan la daganeyn oo u dhaw aagga Virunga oo ah meel hooy u ah rubuc ka mid ah daanyeeraha sii dabar-go’aya ee Gorilaha.

Ku dhawaad 400 oo kun oo qof oo ku noolaa magaalada Goma ee bariga Kongo ayaa ka cararay guryahooda sababo la xiriira foolkaanaha ka qarxay buurta Nyiragongo todobaadkii hore.

Dowladda ayaa codsatay in kaalmo bani’aadannimo oo baaxadweyn ay u baahan yihiin dadkani oo la isugu geeyay meel 25 km u jirta galbeedka Goma.

XS
SM
MD
LG