Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midowga Yurub oo oggolaaday tallaalka carruurta ee Pfizer-BioNTech


Tallaalka Pfizer-BioNTech

Ururka Ilaalinta daawooyinka ee Midowga Yurub ayaa ansixiyay talaallka Pfizer-BioNTech ee Covid19 in la siin karo caruurta da’doodu u dhaxayso 12 ilaa 15 jir, waana talaallkii ugu horeeya ee loo oggolaaday carruurta nuucyada ilaa iyo hadda la soo saaray.

Talaallkan ayaa dadka waaweyn aanay kala kulmay wax dhibaato ah, lagumana arag wax saameyn caafimaad xumo ah sidda ay Jimcihii xaqiijisay hay’ada dawooyinka Yurub oo xaruntoodu tahay magaalada Amsterdam ee dalka Holland.

Warbixin arrinkaas ku saabsan waxa magaalada London inooga soo diray wariyaha VOA-da Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:12 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG