GENEVA —
Hay'adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtey in ay heleen warbixinno sheegaya in boqolaal qof oo da’ yar ah ay askarta Ethiopia iyo kuwa Eritrea ay kala baxeen xeryaha barakacayaasha ee magaalada Shire ee ku taal waqooyiga gobolka Tigray.
Wariyaha VOA-da Lisa Schlein ayaa warbixintan ka soo dirtay magaalada Geneva, waxaana inoo soo jeedineysa Falastin Ahmed Iman.