Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afar koox oo u gudbay semifinal-ka Horyaalka Basketball Africa League (BAL)


BAL

Afar koox ayaa u gudubtay wareegga afar dhammaadka ee horyaalka kubadda kolayga Afrika ee Basketball Africa League (BAL), kaasi oo ka socda magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda.

Kooxda horyaalka Marti-gelineysa ee Patriots BBC ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda Ferroviario de Maputo ee dalka Mozambique, ayada oo kaga adkaatay dhibco ah 73-71.

Guusha Patriots BC ayaa waxaa xooggeeda horseeday Kenneth Gasana iyo Aristide Mugabe. Gasana ayaa dhaliyey 23 dhibcood, halka Mugabe oo ah kabtanka kooxda uu ku daray 18 dhibcood oo kale.

Dhinaca kale kooxda US Monsatir ee dalka Tunisia ayaa 86-62 kaga adkaatay AS Douanes Khamiistii, ayada oo noqotay kooxdii saddexaad ee u gudubta semi-finalka.

Majoc James ayaa dhibcaha ugu badan u dhaliyey kooxda US Monsatir oo ahaa 17 dhibcood. Kooxda Reer Tunis ayaa adkaatay dhammaan kulamadii ay cayaartay oo ahaa afar kulan.

Waxaa horey Semifinal-ka ugu gudbay Kooxda Zamalek ee dalka Masar iyo Clube Atltico Petroleos de Luanda ee dalka Angola

Kooxda Zamalek ee dalka Masar ayaa 82-53 kaga adkaatay kooxda Forces Armes et Police Basketball ee dalka Cameron, cayaartii sideed dhammaadka ee horyaalka kubadda kolayga ee Afrika ama Basketball Africa League (BAL).

Cayaaryahan Walter Wallace Hodge ayaa 18 dhibcood u dhaliyey Zamalek, halka uu sidoo kalena caawiyey 6 goor, halka Michael Olayinka Fakuade uu ku daray 12 dhibcood.

Dhinaca kale, kooxda Clube Atltico Petroleos de Luanda ee dalka Angola ayaa 79-72 kaga adkaatay kooxda Association Sportive de Sal ee dalka Morocco.

Gerson Goncalves ayaa 19 dhibcood u dhaliyey kooxda Clube Atltico Petroleos, halka uu sidoo kale caawiyey 6 goor. Sidoo kale Carlos Morais aiyo Leonel Paulo ayaa min 17 dhibcood ku daray guusha.

Horyaalka African Basketball League (BAL), ayaa 12 koox 16-kii May uga furmay magaalada Kigali, ee caasimadda Rwanda, sanad kadib markii horyaalkaas waqtigii la furi lahaa dib loogu dhigay COVID-19 dartiis.

Tartanka ayaa ku yimid iskaashi ay sameeyeen horyaalka Mareykanka ee NBA iyo xiriirka caalamiga ah ee kubadda koleyga ee IBF. Waa tallaabadii ugu horreysay ee NBA uu horyaal kaga aas-aasayo meel ka baxsan Waqooyiga America.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG