Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Masar oo booqasho ku tegay Djibouti


Abdel Fattah el-Sissi

Madaxweynaha Masara Cabdel Fitaax Al- Sisi ayaa maanta booqasho ku tagay dalka Jamhuuuriyadda Djibouti, halkaas oo uu kulamo kula leeyahay dhiggiisa Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xoojinta xiriirkooda laba geesoodka ah iyo inay iska kaashadaan ammaanka, arrimaha milatariga iyo dhaqaalaha.

Masar ayaa xulafo xooggan ka dhiseysa dalalka Bariga Afrika, xilli ay xiisad kala dhaxeyso Ethiopia, taasi oo ku aaddan biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameysay webiga Nile.

Wariyaha VOA Ramadan Muuse ayaa warbixintan Djibouti ka soo diray.

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:43 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG