Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Horyaalka BAL: Kooxaha Zamalek iyo Clube Atltico Petroleos de Luanda oo u gudbay Semifinal-ka.


Zamalek
Zamalek

Kooxda Zamalek ee dalka Masar ayaa 82-53 kaga adkaatay kooxda Forces Armes et Police Basketball ee dalka Cameron, cayaartii sideed dhammaadka ee horyaalka kubadda kolayga ee Afrika ama Basketball Africa League (BAL).

Horyaalka Basketball Africa League oo uu soo abaabulay horyaalka NBA-da Mareykanka, islamarkaana VOA ay iskaashi warbaahineed la leedahay, ayaa 16-kii May ka furmay magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda, wuxuuna hadda marayaa sideed dhammaadka.

Cayaaryahan Walter Wallace Hodge ayaa 18 dhibcood u dhaliyey Zamalek, halka uu sidoo kalena caawiyey 6 goor, halka Michael Olayinka Fakuade uu ku daray 12 dhibcood.

Guushan ayey kooxda Zamalek ugu gudabtay sideed dhammaadka ama semifinal-ka horyaalka BAL.

Dhinaca kale, kooxda Clube Atltico Petroleos de Luanda ee dalka Angola ayaa 79-72 kaga adkaatay kooxda Association Sportive de Sal ee dalka Morocco, una gudubtay afar dhammaadka,

Gerson Goncalves ayaa 19 dhibcood u dhaliyey kooxda Clube Atltico Petroleos, halka uu sidoo kale caawiyey 6 goor. Sidoo kale Carlos Morais aiyo Leonel Paulo ayaa min 17 dhibcood ku daray guusha.

Horyaalka African Basketball League (BAL), ayaa 12 koox 16-kii May uga furmay magaalada Kigali, ee caasimadda Rwanda, sanad kadib markii horyaalkaas waqtigii la furi lahaa dib loogu dhigay COVID-19 dartiis.

Tartanka ayaa ku yimid iskaashi ay sameeyeen horyaalka Mareykanka ee NBA iyo xiriirka caalamiga ah ee kubadda koleyga ee IBF. Waa tallaabadii ugu horreysay ee NBA uu horyaal kaga aas-aasayo meel ka baxsan Waqooyiga America.

XS
SM
MD
LG