Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiyihii Wajeer oo Afgambi ku tilmaamay mooshinkii xilka looga qaaday


Mohamed Abdi Mohamud
Mohamed Abdi Mohamud

Guddoomiyihii hore ee gobolka Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud ayaa xil ka qaadistii todobaadkii hore lagu sameeyay ku tilmaamay inay aheyd afgambi abaabulnaa, isla markaana waxyaabihii lagu soo eedeeyay aysan sax aheyn.

Mooshinkii xil ka qaadistiisa waxaa u codeeyay 25 xildhibaan oo ka tirsan 47-da mudane ee aqalka sare ee Senate-ka Kenya, waxaana lagu soo eedeeyay arrimo ay ka mid ahaayeen musuq-maasuq iyo inuu ku xadgudbay dastuurka Kenya.

Ku xigeenkiisii Axmed Cali Mukhtaar ayaa maalin kaddib xilka guddoomiyaha Wajeer loo dhaariyay.

Warbixin ku saabsan jahawareerka siyaasadeed ee ka jira gobolka Wajeer waxaa inoo soo diray wariyaha VOA ee gobolka Waqooyi Bari Kenya Maxamed Faarax Shire.

Guddoomiyihii Wajeer oo Afgambi ku tilmaamay mooshinkii xilka looga qaaday
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:25 0:00


XS
SM
MD
LG