Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Blinken oo ku dhowaaqay lacag la siinayo Falastiiniyiinta


Blinken iyo Cabas
Blinken iyo Cabas

Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in golaha Congaress-ka uu ka codsan doono$ 75 milyan oo dollar oo ah gargaar loogu talo-gakay Falastiiniyiinta ku sugan, kadib xabad joojintii dhawaan la gaaray ee lagu soo afjaray dagaalkii u dhaxeeyay Israel iyo ururka Xamas.

Blinken ayaa ku dhawaaqista sameeyey kadib wadahadal uu Talaadadii Ramallah kula gashay madaxweynaha maamulka Falastiin Mahmoud Abbas.

Blinken ayaa yiri "Waan ognahay in wareeggii ugu dambeeyay ee colaadda ay calaamad u tahay arrimo intan ka ballaaran oo ay tahay inaan wax ka qabanno haddii aan ka hortageyno soo laalaabashadeeda, waana taas midda aan ka wada hadalnay.”

Waxa uu intaasi ku daray inay soo dhoweynayaan xabbad joojinta sii socota laakiin taasi aysan ku filneyn, ayna isku dayayaan in arrimaha ay ula dhaqaaqaan jiho dhab ah oo wanaagsan.

Blinken ayaa Talaadadii sidoo kale ku celiyay in maamulka Biden uu rumeysan yahay in xalka laba dowladood "uu yahay jidka kaliya ee si dhab ah loogu xaqiijin karo mustaqbalka Israel ee dowlad Yuhuud dimoqraadi ah, iyo dabcan, in la siiyo Falastiiniyiinta gobolka ay xaqa u leeyihiin."

Dibluomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanku uu dib u furayo qunsuliyadda magaalada Qudus uu ku leeyahay, kadib markii maamulkii hore ee Trump uu xiray sanadkii 2019-kii.

XS
SM
MD
LG