Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliban oo shuruudo ku xirtay ka qeybgalka shirka Istanbul


Kooxda Taliban ayaa shuruudo adag ku xiray ka qeybgalka shirka sida weyn loo sugayo, kaas oo Mareykanku doonayo inuu ka dhaco magaalada Istanbul ee waddanka Turkey sida ay VOA xaqiijiyeen sariikiil sare oo ka tirsan Taliban.

Shuduudaha Taalibaan waxaan ka mid ah; in muddada uu shirku soconayo aysan ka badnaan saddex maalmood, in ajandaha shirka aysan ku jirin go'aan ka gaarista arrimaha xaasaasiga ah iyo in wafdiga Taalibaan aysan ku jiri doonin hoggaanka sare ee ururkaas.

"Hoggaamiyaheenna ayaa soo jeediyay in kulanka Istabul aanu ka badnaan saddex maalmood" ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan oo aan dooneyn in magaciisa la shaaciyo.

Hoggaamiye kale oo sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa isna xaqiijiyay warkan markii ay VOA la soo xiriirtay.

Shirkan oo ay si wadajir ah u martigalinayaan Qaramada Midoobay, Turkiga, iyo Qatar ayaa markii ugu horeysay waxaa soo jeediyay Mareykanka bishii April, maalmo kadib markii Madaxweyne Joe Biden uu ku dhawaaqay in ciidamada shisheeye ay ka baxayaan Afghanistan ugu dambeyn bisha September ee sanadkan.

Wafdi ka socday Taalibaan ayaa ka qaybgalay mid ka mid ah shir nuucan oo kale ah oo ka dhacay magaalada Moscow, laakiin waxay hore diideen ka qaybgalka shirka Turkey, iyagoo sheegay inay ka baaraan dagayaan shirkan iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Madaxa wadaxaajoodka Taalibaan ee fadhigiisu yahay Qatar, Sheikh Abdul Hakeem, iyo dhowr xubnood oo ka tirsan xafiiska Qatar ee Taalibaan ayaa u safray gobolka, si uu ula tashadaan madaxa kooxdan Sheikh Hibatullah Akhundzada iyo qaar kale oo ka mid ah xubnaha golaha hoggaanka Taalibaan.

Hakeem waxaa safarkiisa ku weheliyey Mullah Fazil, Mullah Shireen iyo Mullah Abdul Manan oo ka tirsan kooxda Taalibaan u qaabilsan wadaxaajoodka, waxayna sidoo kale dhammaantood xubno ka yihiin golaha hoggaamintan.

Warbaahinta Afghanistan ayaa soo warisay in shirka Taalibaan uu ka dhacay Pakistan, halkaas oo sida ay sheegtay dowladda Afghanistan inta badan hoggaanka Taliban ay ku nool yihiin.

Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan arimaha dib u heshiisiinta Afghanistan Zalmay Khalilzad ayaa wareysi uu dhawaan siiyay shabakadda wararka Jarmalka ee Der Spiegel wuxuu ku xaqiijiyay in inta badan madaxda Taalibaan ay ku nool yihiin Pakistan.

“Haddii dadaalkan nabadeed uusan guuleysan, Isla markaana aanu jirin heshiis u dhexeeya Pakistan iyo Afgaanistaan, waxaan dhib soo gaari doonaa Pakistan, waayo iyada ayaa la eedeyn doonaa, maxaa yeelay in badan oo ka mid ah hoggaanka Taliban ayaa ku nool dalkeeda, ”ayuu yiri Khalilzad.

Pakistan ayaa dhinaceeda sheegtay inay kooxda Taaliban ku qalqaalin doonto shirkan, si ay u hirgalaan wadahadallada nabadda ee Afghanistan.

XS
SM
MD
LG