Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbiga haya talada UK oo lagu eedeeyey Islaam naceyb


Boris Johnson
Boris Johnson

Baaritaan madaxbannaan oo in muddo ah ay wadeen koox ka shaqaysa xuquuqda aadanaha dalka Britain ayaa daraasad ay soo saareen ku sheegay in xisbiga haya talada Britain ay dhexdiisa ka jirto Islaam nacayb.

Professor Swaran Singh oo ahaa guddoomiyihii hore ee sinnaanta iyo xuquuqul insaanka ayaa baaritaankan ku sameeyey 1,418 cabasho oo la xiriira 727 dhacdo oo kala duwan, waxaana dacwooyinka laga soo gudbiyey xisbigaas sannadihii u dhexeeyey 2015 ilaa 2020.

Warbixin ku saabsan arrinkaas waxaa magaalada London inooga soo diray wariyaha VOAda Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail.

Xisbiga haya talada UK oo lagu eedeeyay Islaam naceyb
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:09 0:00


XS
SM
MD
LG