Ha’yadda doorashooyinka dalka Iran ayaa ansixisey 7 musharax oo ka qeybgaleysa doorashada madaxtinimada dalkaasi ee dhici doonta 18-ka June.
Doorashada madaxweynaha waxaa ku jira madaxii cadaaladda Ebrahim Raisi halka dhowr musharax oo aad loo yaqaanana laga saarey liiska musharixiinta.
Raisi ayaa ah qofka ugu magaca dheer ee ka dhex muuqada mushrixiinta, waxaana hore loogu ogolaadey inuu hoggaamiyo Golaha ilaalinta, waana olog ku dhow hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei.
TV-ga dowladda ayaa sheegey in musharixiinta uu ka mid yahay wada-xaajoodihii hore ee nukliyeerka Iran Saeed Jalili taliyihii hore ee ciidamada ilaalada Kacaanka Mohsen Rezaei, xildhibaan hore oo lagu magacaabo Ali Reza Zakani, iyo Amir Hossein Ghazizadeh, gudoomiye gobol oo hore Mohsen Mehralizadeh, iyo madaxa bankiga dhexe ee Iran Abdolnasser Hemmati.
Waxaa kale oo ay gudiga doorashada liiska ka saareen madaxweynihii hore ee dalkaas oo ahaa nin siyaasadiisu fur furan tahay iyo madaxweynihii hore ee afkaartiisu adkeyd Mahmoud Ahmadinejad.