Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo xayiraad dhaqaale iyo mid militari saaraya Ethiopia


Antony Blinken
Antony Blinken

Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogeysa kaalmada dhaqaale iyo amni ee ay siiso Ethiopia sababo la xiriira eedo gaboodfallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo dhacay intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay Axaddii soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Waxay sidoo kale xayiraad saareysaa saraakiil hore iyo kuwa hadda xilalka haya ee dalalka Ethiopia ama Eritrea, kuwaasi oo ay u aragto in ay mas'uul ka yihiin qalalaasaha.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabadani ay dowladda Mareykanka u qaadeyso si loo soo dadajiyo xalka colaadda ka taagan Itoobiya.

Dhinacyada ku lugta leh "ma aysan qaadin talaabooyin macno leh oo ay ku joojinayaan dagaalada ama ay ku raadinayaan xal nabadeed oo laga gaaro qalalaasaha siyaasadeed," ayuu yiri.

Redwan Hussein, oo ah madaxa guddi-hoosaad ay dowladda Itoobiya ee u saartay arrimaha Tigray, ayaa sheegay in dowladdu ay goor dhow soo saari doonto bayaan. Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaan ka jawaabin telfoonada iyo farriimo looga raadinayay inuu warkan ka jawaabo.

Kummanaan qof ayaa la dilay iyadoo 2 milyan oo qofna lagu qasbay in ay ka cararaan guryahooda gobolka Tigray ka dib markii uu bishii November dagaal ka dhex qarxay Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) iyo militariga Itoobiya.

Ciidamo ka socda gobolka deriska ah ee Amxaarada iyo kuwa dalka Eretria ayaa dagaalka galay si ay u taageeraan dowladda.

Dadka deegaanka ayaa ku warramaya in ciidamada Ethiopia iyo xulafadooda ay dileen dad rayid ah ayna ku keceen kufsi wadareed. Ethiopia ayaa Jimcihii sheegtay in ay maxkamad soo taagtay askar gaysatay kufsi iyo dil dadka rayid ah, in kastoo diiwaanka maxkamadda aan wali la shaacin.

Eritrea iyo Ethiopia ayaa labaduba muddo bilooyin ah waxa ay inkirayeen joogista askarta Eritrea ee gobolka Tigray ka hor intii aysan qiran in ay gobolka ku sugan yihiin islamarkaana ballan qaadin in ay ka bixi doonaan.

Blinken ayaa sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono kaalmada bani'aadamnimada iyo deeqaha kale ee muhiimka ah ee la siiyo Ethiopia.

Waxa uu sheegay in ay sii socon doonaan xayiraadaha ballaaran ee kaalmada ee saaran Eritrea.

Dowlada Ethiopia ayaa beesha caalamka kala kulmeysay cadaadis xooggan oo lagu doonayo in ay muujiso isla xisaabtan, xilli ay sii kordhayaan wararka ku saabsan xasuuqa ka socda Tigray.

Midowga Yurub ayaa joojiyay kaalmada lacageed ee lagu kabo miisaaniyadda Ethiopia ka dib markii ay soo bexeen warbixino kufsi wadareed, dil wadareed loo geystay dadka rayidka ah, iyo dhac baahsan oo ka dhacay gobolkan ku yaalla waqooyiga.

Blinken ayaa sheegay in Mareykanku ugu yeeray dowladda Ethiopia in ay la xisaabtanto dhammaan kuwa mas'uulka ka ah xadgudubyada xuquuqda iyo tacaddiga, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah, loona hubiyo in la helo marin xaddidaad la’aan loo marsiiyo gargaarka bani'aadamnimada.

XS
SM
MD
LG