Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Horyaalka BAL: US Monastir iyo Ferroviario de Maputo oo u gudbay wareegga xiga


US Monastir
US Monastir

US Monastir ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee u gudubta wareegga sideed dhammaadka ee Horyaalka Basketball Africa League ee ka socda magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda, ayada oo ka adkaatay dhammaan saddexdii kulan oo ay cayaartay.

Horyaalka Basketball Africa League oo uu soo abaabulay horyaalka NBA-da Mareykanka, islamarkaana VOA ay iskaashi warbaahineed la leedahay, ayaa waxaa kaalinta koowaad ku loolamaya 12 koox oo ka kala socda 12 dal oo African ah.

Kooxda reer Tunisia ee US Monastir ayaa dhibco ah 91-75 kaga adkaatay kooxda Patriots Basketball ee ka socota dalka marti-geliyaha ah.
Xiddiga reer Lubnan Wael Arakji oo kursiga keydka kasoo kacay ayaa dhaliyey 28 dhibcood, isaga oo shabaqa la helay 10 ka mid ah 11 kubad oo uu ku tuuray.

Sidoo kale, kooxda ka socota dalka Mozambique ee Ferroviario de Maputo ayaa iyana u gudubtay wareegga xiga kadib markii ay ka adkaatay kooxda GS Petroliers oo ugu awood sheegatay dhibco ah 86-73.

Dhinaca kale, kooxda reer Nigeria ee Rivers Hoopers ayaa Sabtidii ka adkaatay kooxda ka socota dalka Madagascar ee GNBC. Rivers ayaa dhalisay 80 dhibcood, halka GNBC ay dhalisay 69.

Horyaalka African Basketball League (BAL), oo socon doona laba toddobaad ayaa 12 koox 16-kii May uga furmay magaalada Kigali, ee caasimadda Rwanda, sanad kadib markii horyaalkaas waqtigii la furi lahaa dib loogu dhigay COVID-19 dartiis.

Tartanka ayaa ku yimid iskaashi ay sameeyeen horyaalka Mareykanka ee NBA iyo xiriirka caalamiga ah ee kubadda koleyga ee IBF. Waa tallaabadii ugu horreysay ee NBA uu horyaal kaga aas-aasayo meel ka baxsan Waqooyiga America.

XS
SM
MD
LG