Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Atletico Madrid oo ku guuleysatay horyaalka Spain


Kooxda K/cagta Athletico Madrid ayaa ku guuleysatay horyaalka waddanka Spain ee Laliga, kaddib markii ay 2-1 uga badisay kooxda Real Volladolid, waana markii 11-aad oo ay ku guuleysato horyaalka dalkaas.

Weeraryahankooda reer Uruguay Luis Suarez ayaa goolka guusha u dhaliyay daqiiqaddii 67-aad ee ciyaarta, iyadoo qeybtii hore ee ciyaarta ay Volladolid ka nixisay Athletico Madrid, kaddib markii daqiiqdii 18-aad uu ciyaaryahnkooda Oscar Plano u dhaliyay gool, hase yeeshee waxaa ciyaarta bar-bar dhac ka dhigay Angel Correa daqiiqdii 57-aad.

Real Madrid oo koobka kula loollameysay Athletico Madrid ayaa iyana 2-1 dirqi ah uga soo badisay kooxda Villareal.

Athletico Madrid ayaa 38 kulan ee horyaalka la timid 86-dhibcood.

XS
SM
MD
LG