NAIROBI —
Qoysaska Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, islamarkaana dib u dejinta ka helay dalka Maraykanka ayaa rajo xumo ka muujiyay in ilaa iyo hadda aysan wax macluumaad ah ka helin hay’adihii qaabilsanaa dib u dejinta Maraykanka.
Qoysaskan ayaa bilihii ugu dambeeyay rajo wanagaasan ka qabay in Maamulka Madaxweyne Biden uu dib u bilaabo qaadista dadkii dib u dejinta ka helay Maraykanka ee uu saameeyay go’aankii Madaxweynihii hore ee Donald Trump.
Wariyaha VOA-da ee magaalada Nairobi Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan ka diyaariyay.
Facebook Forum