Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuda Falastiin ayaa maalintii saddexaad dibadbax ballaaran ku joojiyay shaqada warshad ay leedahay Israel, taas oo ku taal magaalada Leicester ee waddanka Ingiriiska, isla markaana sameysa hubka iyo qalabka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.
Dibadbaxayaasha qaar ayaa gudaha u galay warshadda, halka qaarna ay weli saaranyihiin dusha sare ee dhismaha iyagoo watay calanka Falastiin.
Warbixin ku saabsan arrinkan waxa magaalada London inooga soo diray wariyaha VOA-da ee qaaradda Yurub Abdihafid Awil Ismail.