Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Natiijooyinka kulamadii ugu dambeeyey ee Horyaalka Basketball Africa League (BAL)


Magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda waxaa ka socda Horyaalka Kubadda Koleyga Afrika ee Basketball Africa League (BAL) oo halkaas ka furmay 16-kii bishan may.

Horyaalka Basketball Africa League oo uu soo abaabulay horyaalka NBA-da Mareykanka, islamarkaana VOA ay iskaashi warbaahineed la leedahay, ayaa waxaa kaalinta koowaad ku loolamaya 12 koox oo ka kala socda 12 dal oo African ah.

Kulamadii ugu dambeeyey ee dhacay ayaa kooxda AS Salé ee Morocco waxay 87-84 kaga adkaatay kooxda Kooxda FAP ee dalka Cameron, halka kooxda Petro de Luanda ee Angola ay 84-66 kaga adkaatay AS Police ee Mali.

Sidoo kale, kooxda US Monastir ee dalka Tunisia), ayaa 113-66 kaga adkaatay kooxda GNBC ee dalka Madagascar, halka kooxda reer Masar ee Zemalik ay 71-55 ku dubatay kooxda Ferroviário de Maputo ee Mozambique.

Kooxda AS Douanes ee dalka Senegal ayaa 94 dhibcood ku garaacday kooxda GS Pétroliers ee dalka Algeria oo dhalisay 76 dhibcood.

Horyaalka African Basketball League (BAL), oo socon doona laba toddobaad ayaa 12 koox Axaddii uga furmay magaalada Kigali, ee caasimadda Rwanda, sanad kadib markii horyaalkaas waqtigii la furi lahaa dib loogu dhigay COVID-19 dartiis.

Tartanka ayaa ku yimid iskaashi ay sameeyeen horyaalka Mareykanka ee NBA iyo xiriirka caalamiga ah ee kubadda koleyga ee IBF.

Waa tallaabadii ugu horreysay ee NBA uu horyaal kaga aas-aasayo meel ka baxsan Waqooyiga America.

XS
SM
MD
LG