Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa marti geliyey kulan ay kasoo qaybgaleen qaar ka mid ah madaxda dalalka Africa iyo hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadda.
Ujeedada kulankan ayaa ah siddii loogu raadin lahaa qaaradda Africa dhaqaalihii kaga burburay la tacaalista xanuunka Covid19.
Labaataneeyo hogaamiyayaal African ah ayaa kasoo qaybgalay kulankan oo ka dhacay magaalada Paris ee xarunta Faransiiska, waana shirkii ugu weynee ee noociisa ah ee foolka fool ah intii uu xanuunkaasi ka dilaacay dunnida.
Warbixin ku saabsan amuurtaasi waxa magaalada London inooga soo diray wariyaha VOAda qaaradda Yurub Abdihafid Awil Ismail.
Facebook Forum