Dhaqaatiirta iyo hay’adaha caafimaadka Kenya ayaa aad uga wal-walsan dib u dhac baahsan oo ku yimid qaadashada goojada labaad ee tallaalka cudurka COVID19 oo dib uga dhacday wakhtigii loogu talagalay in la siiyo dadkii horay u qaatay wajigii koowaad ee tallaalka AstraZeneca.
Arrintan ayaa walaac ku abuurtay dadkii horay u qaatay goojadii koowaad ee tallaalkan.
Hadaba si aan arrintaasi waxbadan uga ogaanno, ayaa wariyaha VOA-da ee magaalada Nairobi Khadar M. Xareed uu ka wareystay Dr. Cabdi Cusmaan Maxamuud oo kamid ah dhakhaatiirta ka hawlgala Isbitaalka Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Facebook Forum