Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan: "Biden gacmaha ayuu dhiig ku sitaa"


Recep Tayyip Erdogan
Recep Tayyip Erdogan

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu “gacmaha dhiig ku sito” sababo la xiriira taageeradiisa dagaalka Israel ay ku qaadeyo Marinka Gaza.

Hadalka Erdogan oo ku jiray khudbad uu taleefishinka ka jeediyey oo dalka oo dhan laga fiirsaday ayaa ah weerarkii ugu adkaa ee uu ku qaado Biden, tan iyo markii uu yimid Aqalka Cad bishii Janaayo.

“Waxaad gacmahaaga dhiigga leh ku qoreysa taariikh. Waad nagu qasabtay inaan sidan dhahno, sababtoo ah intan ka badan kama aamusi karno arrintan,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Erdogan ayaa taageero xooggan kaga kasbaday Bariga Dhexe u ololeyntiisa qadiyadda Falastiin, 18-kii sano ee uu xukumayey Turkey.

Waxa uu toddobaadkii tegay ku eedeeyey Israel Inay qaadeyso “argagixasanimo”, wuxuuna wacad ku maray inuu dunida isugu keeni dooni difaaca Gaza.

“Maanta waxaan aragnay saxiixa Biden ee hubka laga iibinayo Israel,” ayuu yiri Erdogan isaga oo tixraacaya warbixino ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka oo ku saabsan in Maamulka Biden uu ansixiyey hub loo daadgureeyo Israel.

“Dhulka Falastiin wuxuu la ciir-ciirayaa cadaadis, rafaad iyo dhiig, si la mid ah dhul badan oo ku nabad-waayey burburkii Cusmaaniyiinta, adigana middaas ayaa taageereysaa,” ayuu Erdogan ku yiri Biden.

Waxa uu sidoo kale ku dhalleeceeyey Austria inay sare u qaaday calanka Israel toddobaadkii tegay ayada oo u muujineysa “is-garab tag.”

“Waxaan ku cambaareynayaa Austria inay sare u qaadeen alanka dowladda argagixisada ah,” ayuu yiri Erdogan.

Erdogan ayaa wada olole diblomaasi ah oo uu doonayo in cunaqabateyno iyo ciqaabo kale lagu saaro Israel oo tan iyo 10-kii May duqeyn ka wadda Gaza, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof oo ay ku jiraan ku dhowaad 60 caruur ah.

AFP

XS
SM
MD
LG