Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Horyaalka BAL: AS Douanes oo guul xooggan ka gaartay GS Pétroliers


AS Douanes vs GS Pétroliers
AS Douanes vs GS Pétroliers

Kooxda AS Douanes ee dalka Senegal ayaa kaga adkaatay kooxda GS Pétroliers ee dalka Algeria cayaartoodii furitaanka aheyd ee Group-ka C ee horyaalka kubadda koleyga Afrika ee Basketball Africa League (BAL) oo ka socda magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda.

Horyaalka Basketball Africa League oo uu soo abaabulay horyaalka NBA-da Mareykanka, islamarkaana VOA ay iskaashi warbaahineed la leedahay, ayaa waxaa kaalinta koowaad ku loolamaya 12 koox oo ka kala socda 12 dal oo African ah.

Cayaartii maanta ayaa Kooxda AS Douanes ee dalka Senegal waxay dhalisay 94 dhibcood, halka kooxda GS Pétroliers ee Algeria ay ka dhalisay 76 dhibcood.

Dhibcaha ugu badan ee kooxda guusha ay raacday ee AS Douanes ayaa waxaa dhaliyey cayaaryahan Mamadou Lamine DIOP oo dhaliyey 18 dhibcood, halka kooxda laga adkaaday ee GS Pétrolie uu dhibichii ugu badnaa oo ahaa 28 uu u dhaliyey cayaaryahan Mohamed HARAT.

Horyaalka African Basketball League (BAL), oo socon doona laba toddobaad ayaa 12 koox Axaddii uga furmay magaalada Kigali, ee caasimadda Rwanda, sanad kadib markii horyaalkaas waqtigii la furi lahaa dib loogu dhigay COVID-19 dartiis.

Cayaartii ugu horeysay ee horyaalka ayaa dhex martay kooxda Patriots Basketball Club ee Rwanda iyo kooxda Rivers Hoopers Basketball Club ee Nigeria, waxaana 83-60 ku adkaatay kooxda Patriots.

Tartanka ayaa ku yimid iskaashi ay sameeyeen horyaalka Mareykanka ee NBA iyo xiriirka caalamiga ah ee kubadda koleyga ee IBF.

Waa tallaabadii ugu horreysay ee NBA uu horyaal kaga aas-aasayo meel ka baxsan Waqooyiga America.

XS
SM
MD
LG