Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey ee duqeymaha ku socda Gaza


Gaza
Gaza

Ciidamada Israel ayaa mar kale maanta dib u billaabay duqeymo culus oo ay ka fulinayaan magaalada, xilli ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo xabad-joojin.

Waddooyin, dhismooyin amni iyo guryo ayaa lagu burburiyey duqeymaha Israel, sida ay sheegeen goobjoogeyaal. Weli ma cadda tirada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha maanta.

Weeraradii Axaddii dhacay oo burburiyey guryo dad shacab ah, ayaa saraakiisha caafimaadka Falastiin waxay sheegeen in lagu dilay 42 qof, oo ay ku jiraan 10 caruur ah. waxay aheyd maalinkii ugu dhimashada badneyd.

Xamas ayaa iyana weli wadda gantaallada ay ku tuureyso magaalooyin ka tirsan Israel.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa bartiisa twitter ku qoray “Dhammaan dhincyada waxaa looga baahan yahay inay qaboojiyaan xiisadda – rabashadaha waa inay u dhammaadaan si deg deg ah.”

Baaqa Blinken ayaa yimid kadib markii uu wasiirka arrimaha dibedda Masar taleefon kala hadlay xiisadda Israel, Gaza iyo Daanta Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ololaha Gaza uu “awood buuxda” ku socdo, ayna qasab tahay in lagu guuleysto ka hor-tagga dagaal mustaqbalka lala galo Xamas.

Wasaaradda Caafimaada Gaza ayaa tirada dhimashada tan iyo markii ay duqeymaha billowdeen ku sheegtay 201 qof, oo ay ku jiraan 58 caruur ah iyo 34 haween ah. Mas’uuliyiinta Israel ayaa iyagana sheegay in 10 qof oo ay ku jiraan laba caruur ah lagu dilay gantaallada Xamas.

Reuters

XS
SM
MD
LG