Isku xirrada

War Deg-Deg ah

London: Afar qof oo loo xiray kiis la xiriira dadka Yahuudda


Booliska London

Booliiska magaalada London ayaa xiray afar qof kadib markii baraha ay bulshada lagu wadaagay muuqaal muujinaya dadkan oo ay baabuur ay ku dhex wateen xaafad ay ku badan yihiin dadka Yuhuudi ahi kuna qaylinaya, sida booliisku sheegay, hadallo Yuhuud nacayb ah.

Wadada Finchley Road oo ku taalla waqooyiga London kana mid ah degmooyinka ay dadka Yuhuudu ku badan yihiin ayaa muuqaalkan oo uu qof daaqadiisa ka duubay waxa laga arkayaa baabuur badan oo ay ka lushaan calanka Yuhuudu iyada oo dadka gaadiidkaas saarnaana ay ku dhawaaqayeen hadallo hanjabaado ah.

Warbixin ku saabsan arrintaas waxa magaalada london kasoo diray wariyaha VOA-da qaaradda Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:04 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG