Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalka Afghanistan oo dib u billowday kadib markii ay dhammaatay xabad-joojinta


Dagaallada u dhexeeya Taliban iyo ciidamada dowladda Afghanistan ayaa Axadda maanta ah dib uga bilowday gobolka koonfureed ee Helmand, sida ay saraakiishu sheegeen, taasi oo soo afjaraysa xabbad joojin saddex maalmood ah oo loogu talogalay maalmaha ciidul Fitriga oo ay ay ku heshiiyeen dhinacyada dagaalamaya.

Rabshadaha ayaa sii xoogeystay xilli militariga Mareykanka ay wadaan qorshaha ay dhammaan askartooda kaga saarayaan dalkaasi marka la gaaro bisha September, taasi oo soo afjareysa howlgalka milatari ee 20-ka sano ka socday Afghanistan.

Attaullah Afghan, oo ah madaxa golaha gobolka Helmand, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in “dagaalku bilaabmay goor hore oo maanta ah welina uu socdo.”

Waxa uu sheegay in dagaalyahanada Taliban ay weerareen baro kontorool oo ku yaalla duleedka magaalada Lashkar Gah ee caasimadda u ah gobolka Helmand, iyo degmooyin kale.

Afhayeen u hadlay ciidamada Afghanistan ee koonfurta ayaa xaqiijiyay in dagaalku dib u bilaawday, islamarkaana uu xafiiska gudoomiyaha gobolka Helmand sheegay in ilaa iyo hada la dilay 21 dagaalyahan oo ka tirsan Taliban.

Dhanka kale, kooxda Daacish ayaa sheegatay in ay fulisay weerarkii Jimcihii lagu beegsaday masaajid ku yaal duleedka caasimadda Afghanistan, kaasi oo ay ku dhinteen 12 qof oo cibaadeysanayay, sida ay warisay SITE Intelligence Group.

Qaraxa ayaa ka dhacay gudaha masaajid ku yaal degmada Shakar Darah ee gobolka Kabul xilligii salaadda Jimcaha, waxaana dadka dhintay ka mid ahaa imaamkii masjidka.

Daacish ayaa sheegtay in malayshiyadeedu ay masaajidka dhexdiisa ku rakibeen walxaha qarxa ayna qarxiyeen kadib markii ay dadka cibaadaysanayay soo galeen masjidka si ay u oogaan salaadda Jimcaha ee maalintii labaad ee Ciidul Fitriga, sida ay warisay warbaahinta laga leeyahay Maraykanka ee la socota xogta kooxaha jihaadiyiinta ah.

AFP

XS
SM
MD
LG