Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada London, kuwaas oo ka soo horjeeday duqeymaha ka socda dhulka Falastiin, waxaana dadkan ka mid ahaa muslimiin badan oo ku nool dalka Britain, iyagoo socod ku tagay fagaaraha kasoo horjeeda safaaradda ay Israel ku leedahay magaalada London.
Booliska London ayaa ilaalo xoog leh ka haya safaaradda iyo nawaaxigeeda.
Dhinaca kale dibad-baxyo waaweyn oo ka dhan ah duqeymaha Israel ayaa siddoo kale ka dhacay dalal badan oo caalamka ah.
Wariyaha VOAda qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail ayaa wararkii ugu dambeeyey London inooga soo diray.