Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta la caleemo-saarayo


Ismael Omar Guelleh
Ismael Omar Guelleh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta markii shanaad loo caleemo-saarayaa xilka madaxweynaha, kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee bishii hore ka dhacay dalkaas.

Wariyaha VOA ee dalka Jabuuti Ramadan Muuse oo ku sugan halka ay ka dhaceyso xafladda caleemo-saarka madaxweyne Geelle ayaa soo sheegaya inay ka soo qeybgalayaan xafladdan marti sharaf ay ka mid yihiin Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra'isul Wasaareyaasha dalalka Itoobiya iyo Rwanda Abiy Ahmed iyo Edouard Ngirente, Madaxweynaha Guine Alpha Conde, madaxweyne ku xigeenka South Sudan iyo xubno sare oo ka socda dalalka Uganda, Pakistan, Turkey, Sucuudiga, iyo France.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa helay 98.41% codkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii bishii April, waxaana la tartamay gacansade Zakariye Ismaaciil Faarax oo helay 1.59% tirada guud ee doorashadaas.

Madaxweyne Geelle oo 73-jir ah ayaa dalka Jabuuti soo xukumayay tan iyo sanadkii 1999.

XS
SM
MD
LG